Duqeyn xagga cirka ah oo lagu dilay rag ka tirsan al-Shabaab ah

Howlgallo xagga cirka ah o ay soo abaabuleen ama ay isku soo duween Dowladda Federaalka ee Soomaaliyaiyo taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika,isla markaana lala beegsaday kooxda argagixisada Alshabaab ayaa ka dhacay deegaan ka mid ah galbeedka magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan oo ka dhacay deegaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe,isla markaana 45 –kiilo mitir galbeed kaga began mMuqdisho, ayaa warku intaa ku daray in lagu dilay 3-ka mid ah kooxda argagixisada ee al-Shabaab.

Qiimeyn ku aadan duqeynta xagga cirka ah oo la sameeyay ayaa sheegeysa in aysan jirin wax dhibaato ah oo la gaarsiiyay dadka rayidka ah ee ku sugnaa agagaarka halkii la weeraray.

Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa sii wada hoggaaminta howlgalada ka dhacaya gudaha dalka. iyagoo kaashanaya ciidamada Mareykanka ee Africom, si loo kordhiyo amniga ,loona qabsado dhulka ay weli ku sugan yihiin al-Shabaab.

Howlgalada ay wadaan ciidamada Mareykanka iyo kuwa Amisom ayaa ah mid looga hortagayo kooxahaargagixisada,si dadka Soomaaliyeed ay helaan amni,waxaana ciidamada calamiga ah ka go’an  in ay ballaariyaan, isla markaana sare u qaadaan amniga gobolka iyagoo kaashanaaya awoodda mileteri ee ciidamada Soomaaliya.