(09/08/2016) Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo jooga St Petersburg si uu dib ugu soo celiyo xiriirka Ruushka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kula kulmaya St Petersburg madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu dib u bilaabo xiriirka Ruushka.

Waa safarkii ugu horeeyay ee uu Erdogan sameeyo tan iyo inqilaabkii la isku dayay bishii hore.

Xiriirka u dhaxeeya labada wadan ayaa xumaaday ka dib markii bishii November ee sanadkii hore Turkiga uu ku soo riday diyaarad Ruushka ee milatari xuduudda Suuriya.

Intuusan ka bixin Turkiga, Mr Erdogan ayaa ku tilmaamay madaxweyne Putin saaxiiibkiis, wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu baal cusub u furo xiriiirka labada waddan.

“Booqashadan ayaa ah horumar cusub xiriirkeena, iyadoo laga bilaabayo meel cusub,” ayuu Mr Erdogan u sheegay wakaalada wararka ee Ruushka ee Tass.

Xiriirka labada waddan ayaa xumaaday markii Turkiga uu soo riday diyaaradda SU-24 bishii November, taasoo keentay in Ruushka uu ku soo rogo Turkiga cunaqabatayn dhaqaale,uuna joojiyay duulimaadyadii dalxiiska ee dadka Ruushka ay ku tagayeen Turkiga.

Maxay labada dhinac ka faa’idaysanayaan?

Xiriirka xumaaday ee labada waddan ee ka dhashay diyaaradda la soo riday ayaa saamayn wayn ku yeeshay ganacsiga. Alaabada ay Turkiga u dhoofiso Ruushka ayaa lixdii bilood ee ugu horaysay sanadkan hoos u dhacay oo noqday $737 Milyan taasoo hoos uga dhacday 60.5%, markii la barbardhiga sanadkii hore isku waqtigaas, sida ay sheegtay Daily Sabah.

Muranka ayaa dib u dhigay laba mashruuc -TurkStream oo ah dhuun gaas oo ka imaanaysa Badda Madow, iyo Akkuyu ee saldhiga nukliyeerka ee shirkada Rosatom ee Ruushka ay ka dhisi rabto Turkiga.

Xiriirka intuusan xumaan ka hor suuqa Ruushka ayaa ahaa suuqa ugu wayn ee uu Turkiga u dhoofiyo qudaarta – marka Turkiga ayaa hadda doonaya in laga qaado cuna qabataynta.

Waxaa jira calaamado muujinaya in xiriirka labada waddan uu hagaagayo. Bishii hore Ruushka ayaa dib u bilaabay duulimaadyadii joogtada ahaa ee Turkiga, wuxuuna sheegay inay bilaabayaan duulimaadyada qaaska ah.

Sanado badan Turkiga ayaa ahaa meel aad u soo jiidata dalxiisayaasha Ruushka, waxayna saamayn wayn ku yeelatay xarumihii ganacsiga dalxiiska markii cuna qabataynta la soo rogay.