(August 15,2016) Urur goboleedka IGAD oo warbixin ka soo saaray halista ururka Alshabaab

Warbixin uu soo saaray urur goboleedka IGAD oo ah urur ay ku mideysan yihiin wadamada Bariga Afrika ayaa  lagu sheegay in ururka Alshabaab uu halis ku yahay wadamada geeska Afrika.

Ururka IGAD ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab ay halis ku yahay waddamada gobolka oo idil oo aysan ku koobneyn oo Soomaaliya kaliya.

Warbixintan uu soo saaray ururka IGAD ayaa waxa ay ku sheegeen in hogaamiyihii hore ee ururka Alshababa uu abuuray labo garab oo ah milatari ka dagaalada wadamo aan ahayn Soomaliya.

“Garab ka mid ah garabyada Alshabaab ayaa waxaa ay ka howlgalaan wadamada Kenya,Tanzania iyo Uganda waxaana ka mid ah ururkan maleeshiyaad ku hadla luqada sawaaxilga kana soo jeeda dalalka geeska Afrika.”ayaa lagu yiri warbixintan.

Warbixin uu soo saaray urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in Al-Shabab ay sameeyeen garab milatari oo ka howlgala dalka Ethiopia.

Garabkan ka howlagala dalka Ethiopia waxaa uu ka kooban yahay illaa shan boqol oo askari kuwaasoo qorsheynaya inay falal argagaxiso ka geysato dalka Ethiopia.

Ururka IGAD ayaa ugu baaqay wadamada ku jira ururka inay iska kaashadaan sidii si wadajir ah loogaga hortagi lahaa ururka Alshabaab.