(August 17,2016) Ciidamada South Sudan oo lagu Eedeeyey in ay kufsadeen, jir dileen ayna dhac u geysteen shaqaale gargaar

Ciidamada Suudaanta Koofureed ayaa lagu soo waramayaa in ay kufsadeen, jir dileen ayna dhac u geysteen shaqaale gargaar, iyagoo si gaar ah u bartilmaameedsanaayey Mareykanka hotel ku yaala magaalda Juba bishii July 11 keedii sida ay warisey warbixin ay wakaalada wararka ee AP shaley sii deysey.

Qof marqaati ah oo ay wakaalada wararka wareysatey ayaa sheegey in askartu aysameynayeen dil been ah iyagoo ku qasbey dadka ajnabiga ah in ay banaanka usoo baxaan oo daawadaan sida ay u dilayaan wariyayaal gudaha ah.

AP ayaa sheegtey in dadkii ku sugnaa hotelka Terrain oo ah meel caan ah oo ay degaan dadka safarka ah, ajnabiga iyo dadka sare ee reer Sudan ay gurmad badbaado ahaan ugu yeereen ciidamada amaanka ee QM oo ku sugnaa wax ka yar hal KM sidoo kalena u dhowaa safaarada Mareykanka.

Ergeyga joogtada ah ee Mareykanka u fadhida QM Samantha Power ayaa sheegtey in ay fashilmeen Nabad Ilaaliyayaasha QM iyo dowlada Sudanta Koofureed