(August 19,2016) Puntland: “Uma dul qaadan doono daan-daansiga maamulka Hargeysa”

Golaha Xukumadda ee Puntland ayaa maanta isugu yimid shirkoodi caadiga ahaa waxaana shir guddoominaayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland, shirka ayaa laga soo saarey qodobadii looga hadley oo lagu caddeeyey war murtiyeedka shirka hoos ka akhri:

War Murtiyeed

Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo manta uu shir guddoominayey Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka midyihiin:

  • Xaaladda amniga
  • Ansixinta xeerka saxaafada Puntland
  • Xeerka Biyaha Puntland
  • Xeerka xuquuqda Caruurta iyo Warbixino.

Xaaladda Amniga Dalka

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqay in laamaha amnigu ay dhammaan Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ka samaynayaan baaritaano sugan oo xagga amniga ah gaar Caasimada Puntland ee Garoowe, sidoo kale goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Puntland in ay si buuxda ula shaqeeyaan Ciidanka ku jira hawl-galka lagu baacsanayo qaswadayaasha ku dhuumaaleysanaya Magaalooyinka Puntland lana wadaagaan xog walba oo ku saabsan amniga ciidanka hawl-galka kujira.

Dhinaca kale goluhu waxa uu uga digeyaa Maamulka Hargeysa, daandaansiga uu ka wado gobollada Sool iyo Cayn, isla markaana goluhu wuxuu caddeeyey in aysan dawladda Puntland u dulqaadan doonin in Maamulka Hargeysa uu ka sameeyo tiro koobyo goobo kamidah deeganadaas, wuxuuna goluhu u sheegay Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha deriska ah iyo Beesha Caalamka in cawaacib xumada ka dhalata aagagaas uu mas’uuliyadeeda qaadayo Maamulka Hargeysa.

Ansixinta Xeerka Saxaafada Puntland

Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland waxay maanta ansixiyeen xeerka saxaafada Puntland oo guluhu ku sameeyey dibu eegis iyo waxka beddel, sidoo kale xeerka ayaa lagu caddeeyey xuquuqda weriyaha iyo mulkiileyaasha warbaahinta Puntland, Sidoo kale xeerku wuxuu nodon doonaa mid xoojinaya wada shaqaynta dawladda iyo warbaanita madaxa bannaan.

Xeerka Biyaha Puntland

Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ka dooday xeerka ilaalinta iyo kor u daadida tayada biyaha Puntland. Xeerkaan ayaa deexaya horumarinta khayraadka biyaha sida Kannaallada, Biyo xireennada iyo ka faa’iideysiga biyaha oogada sare maraya iyo kuwa dhulka hoostiisa ku jira, isla markaana xeerku wuxuu tilmaamayaa sida looga faa’iideysanayo biyaha dabiiciga ah , harooyinka iyo dooxooyinka waaweyn ee Puntland.

Xeerka Xuquuqda Caruurta Puntland

Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ka dooday xeerka xuquuqda carruurta Puntland, xeerkaan oo qeexaya ka hortaggagefka loo geysto caruurta iyo sidoo kale dhaqan toosinta iyo dhiiro-gelinta carruurta si mustaqbalkoodu u wanaagsanaado.

Warbixino

Golaha Xukuudda Puntland ayaa warbixin ka dhegeystay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah oo ka warbixiyey hawlo qaran oo ay soo qabteen.