(August 26,2016) Riyad: John Kerry oo Sacuudiga kala hadlay joojinta dagaalka Yemen – VIDEO

Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka John Kerry oo Khamiistii shalay gaaray dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda wadanka Yemen.

 

Kerry oo kulamo la qaatay madaxda Dowlada Sacuudiga ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal loo helo dagaalka 17ka bilood ka socda wadanka Yemen.

John Kerry ayaa baaqan soo saaray xili ay jiraan cambaareyn loosoo jeedinayo Dowlada Sacuudiga duqeynta ay ka wado dalka Yemen oo ay dad badan oo rayid ah ku dhinteen, diyaaradaha Sacuudiga oo horey gebi ahaan u burburiyey dhamaan xarumihii dowlada ayaa sidoo kale duqeyn baaxadleh la beegsaday xarumaha rayidka sida isbitaalada iyo Iskuulada.

Maraykanka ayaa dhinaca xogta iyo saadka ka taakuleenayey dowlada Sacuudiga iyo dalalka Khaliijka ee dagaalka kula jira kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta Yemen, kuwaasi oo la wareegay caasimada Yemen ee Sanca iyo inta badan waqooyiga wadankaasi.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wadahadlay heshiis dhawaan dhexmaray Maraykanka iyo Sacuudiga oo la xariira iibka hub badan oo ay ku jiraan Tangiyo, hubkaasi qiimahooda lagu sheegay 1.4 bilyan ayaa lagu wadaa inuu dhawaan Maraykanka ku wareejiyo Boqortooyada Sacuudiga.


Horseed Media