(August 31,2016) Ciidamada AMISOM oo inkiray in askar ka tirsan ay xadeen qalab militari

Ciidamada AMISOM ayaa shalay Talaadadii iska fogeeyay in ciidamadooda qaar ka tirsan ay xadeen qalab iyo saanad ciidan.

Bayaan ka soo baxay ururka midowga Afrika ayaa sheegay in si ka duwan sida wararka qaar sheegayaan aan Isniintii lagu xirin Muqdisho askar wax xaday oo AMISOM ka tirsan.

“AMISOM waxay iska fogeyneysaa eedeymo sheegaya oo warbaahintu sheegtay  in labo askari oo AMISOM  katiran loo xiray qalab militari oo ay xadeen dabadeedna ay sii iibiyeen,” bayaanka ayaa sidaa lagu sheegay.

Kasokow sheegashadaan, waxaa horay u jirtay kiisaska midkaan oo kale ah askar AMISOM ka tirsan maxkamad loo soo taagay gaar ahaan shidaal la xaday.