(August 31,2016) Wasiirka Amniga “Hotelada waxaa laga rabaa in amnigooda sugaan, sidee rabaan haku sugaane”

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Milkiilayaasha Hotelada uu mas’uul ka saaran yahay amniga shacabka iyo dadka kale ee tagaya Hoteladooda, isagoo xusay in aan Hey’adaha Amniga kaliya aanan dusha loo saari karin dhibaatada dhacda.

C/risaaq ayaa sheegay in horay Milkiilayaasha hotelada ay ku wargeliyeen inay sameystaan ciidamo gaar ah, isla markaana gudaha Hotelka ka dhex sameystaan difaac labaad, si ay uga hor-tagaan hadii weerar lagu soo qaado.

“Dadka Hotelada degan iyo shacabka imaanaya amnigooda waxaa sugaya hotelka, haduu amniga sugi karin ha sheegaan, ma ahan in mar walba hey’adaha amniga mas’uuliyada dusha looga tuuro, waxaa la rabaa in amnigooda inay sugaan sidee rabaan haku sugaan”ayuu yiri Wasiirka oo xusay in dhaliisha ay qeyb ku leeyihiin Milkiilayaasha Hotelada.

Wasiirka Amniga ayaa intaa ku daray in horay Wasaaradda Amniga ay soo bandhigtay siyaasad ku aadan sugida amniga, isagoo xusay in Golaha Wasiirada ka ansixiyeen sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska ayaa la sheegay in ka baxeen Hotelka SYL, ka hor inta aanu qarax weyn gil gilin Hotelka.

Hey’adda Amniga dowladda ayaa horay lagu dhaliilay inay wax ka qaban waayeen ka hor-taga weerarada Al-Shabaab ku qaadaan Hotelada ku yaal Muqdisho, waxaana muuqata in Laamaha Amniga ay iska fogeynayaan mas’uuliyada amni ee saaran.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadayaan Hotelada ku yaal magaalada Muqdisho, iyadoo ugu dambeeyay shalay oo baabuur kuwa xamuulka ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qaaday Hotelka SYL.