(August 31,2016) Xilliga la bilaabayo Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe oo la shaaciyay

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia Soo Gaaray Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka uru Goboleedka IGAD Ee Arimaha Somalia Maxamed Cabdi Afeey Waxaana uu kulan la qaatay Ra’isilwasaare ku Xigeenka Somalia Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib.

Kulankaan oo ahaa Mid Saacado badan Qaatay Ayaa Waxaa looga hadlay Dib u bilaabashada Shirka Maamul u sameeynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Kulankaasi kadib Ayaa waxaa warbaahinta si wada jir ah u lahadlay Ra’isilwasaare Xigeenka Somalia Mudane iyo Maxamed Cabdi Afeey Wakiilka IGAD ee Somalia.

Ra’isilwasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Guddi Ka kooban IGAD iyo Xukuumada loo saaray sidii uu dib ugu bilaaban lahaa Shirka Maamul u sameeynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo Muddo badan hakad ku jiro.

Dhanka kale Maxamed Cabdi Afeey ayaa Sheegay in Maalinta Sabtiga ah uu si Rasmi ah shirka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe u furmi doono.

Waxaa muddo dheer uu hakad ku jiraa shirka maamul u sameeynta Gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan Waxaana hakadkaasi uu yimid kadib markii odoyaasha Gobolka Hiiraan ay diideen in ay Tagaan Jowhar si ay shirkaasi uga qeeybgalaan.