Dad weli laga raadinaayo burburka dhulgariir ka dhacay Taiwan.

Dad weli laga raadinayo burburka dhulgariir ka dhacay Taiwan

Dad baa weli laga raadinayaa burburka hoostiisaLahaanshaha sawirka SOCIAL MEDIA
Image caption Dad baa weli laga raadinayaa burburka hoostiisa

Dhulgariir xoogan oo ka dhacay dalka Taiwan ayaa waxaa ku dhintay labo qof waxaana ku dhaawacmay dad ka badan boqol qof.

Dadka wax badbaadiyay ayaa weli baarraya dad la sheegay inay ku hoos jirraan guryaha burburay iyo hoteeladda.

Qaybta hoose ee hotelka Marshal ayaa la aaminsan yahay inay ku jirraan sadax shaqaalaha ka mid ah oo halkaasi ku xayiran

Qof goobjooge ah ayaa sheegaya inuu arkay iftiin hotelka burburay gudihiisa ka baxaya. Dad ayaana ku hoos jira ayuu raaciyay burburka hotelka.

Dad haysta telefoonada gacanta ayaa shidaya iftiin ay ku muujinayaa halka ay kaga jirraan burburka dhismaha si loo ogaado.

Ilaa dad gaaraya 28 qof ayaa la soo badbaadiyay ilaa iyo hadda oo laga soo saarray burburka dhismayaasha.

Dadka ka qaybqaadanaya gargaarkan waxaa ka mid ah ciidanka oo si degdeg ah loogu yeerray.