Madaxwaynaha Maxkamada Addunka oo loo doortay Qareen Soomaali ah.

Madaxwaynaha Maxkamadda Adduunka oo loo doortay Garsoore Soomaali ah iyo Guusha uu gaadhay

Muqdisho (Kalshaale) Maxakamada Caalamiga ee Cadaalada ee afka Ingriiska loo yaqaan International Court of Justice oo ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa manta waxay yeelatey Madaxweyne cusub.

Maxakamadaan oo ay hoos timaado Qaraamada Midoobey ayaa saddexdii sanno hal mar ayey waxay doorata Madaxweyne. Madaxweynahaas oo laga soo dhex doorta Garsoorayaasha dhexdooda, waxaana loo doorta shakhsiga hela aqalabiyada codadka Garsoorayaasha Maxakamadu, doorashaduna waa qarsoodi (secret ballot).

Garsoore Abdulqawi oo manta ka hor ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maxkamada ayaa Garsoorayaasha Maxkamada u garteen inuu yahay shakhsi hadda u qalma inuu Maxkamada ka noqodo Madaweyne.

Garsoore Abdulqawi waa garsoore Caalami ah oo Addunyada aad looga yaqaan. Wuxuu mas’uuliyad kala dudwan ka soo qabtey UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada February 6, 2009. Judge Abdulqawi wuxuu ka soo baxey Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdishu. Sidoo kale wuxu Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Switzerland.

Abdulqawi wuxuu Guest Professor ka yahay Jaamacado ku yaal Switzerland, Italy, Greece iyo Fransiska.

Safiirka Soomaliya ee Wadamada Benelux iyo Midowga Europe Danjire Dr. Cali Saciid Faqi ayaa  doorasha Garsoore Abdulqawi ku tilmaamay  inay tahay magac iyo sharaf weyn u soo hooyatey ummada Soomaliyeed.

Kalsoonida buuxda ee Garsoorayaasha Maxkamada ay siiyeen waxay muujineysa kartida aqoontiisa iyo kalsoonida ay ku qabaan saaxiibkooda ayuu yiri safiirka.