Dadka ku nool deegaanka Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe a dalbaday in lala soo gaaro biyo nadiif ah

Dadka ku nool deegaanka Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dalbaday in lala soo gaaro biyo nadiif ah, kaddib markii ceelkii ay dadka biyaha ka cabi jireen ay qarxiyeen Al-Shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Ceel Baraf Muusa Sharwey Gaabow ayaa ugu baaqay hey’adaha sama falka iyo dadka Soomaaliyeed inay la soo gaaraan biyo.

“Ceel Baraf waxaa ka jira dhibaato aad u weyn, labadii ceel ee biyaha laga cabi jiray Al-Shabaab ayaa qarxiyay, dadkii deegaanka biyo la’aan ayaa heysa”ayuu yiri Guddoomiyaha deegaanka Ceel Baraf.

Waxaa uu sheegay in dadkii ku dhaqnaa deegaanka ay u qaxeen deegaano kale, maadaama deegaanka aanu wax biyo ah laheyn.

Ciidamada AMISOM oo arbacadii la soo dhaafay koox wariyeyaal ah geeyay deegaanka ayaa hey;adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ugu baaqay inay biyo nadiif la soo gaaraan deegaanka.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee aagga Ceel Baraf  Col. Jean Pierre Hakizimana ayaa u sheegay wariyaasha in ay codsanayaan in deegaanka lala soo gaaro biyo nadiif ah, xilli buu yiri ay ciidanka AMISOM xooga saarayaan sugida amniga iyo furitaanka wadooyin isku xira qeybaha kale ee Soomaaliya.

Ceel-Baraf ayaa ah tuulo istaraatiiji ah oo ku taala gobolka Shabeelaha Dhexe. waxay caan ku tahay ganacsi xoolaha.