Hay’adda NRC oo sheegtay in ugu yaraan 85 kun oo qof ku barakaceen colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee bilaabatay horaantii bishan.

Hay’adda NRC, ayaa sheegtay in ugu yaraan 85 kun oo qof ku barakaceen colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee bilaabatay horaantii bishan.

Hay’ad safka hore kaga jirta daryeelka qaxootiga, Norwegian Refugee Council ayaa walaac ka muujisay nolosha qoysaska ka cararay Xarunta Gobolka Mudug, ee gaaray deegaanada ka baxsan Magaalada Gaalkacyo.

Agaasimaha Hay’adda NRC ee Somaliya, C/qaadir Axmed, ayaa wuxuu sheegay inay ka sii dareyso xaaladda bani’aadanimo, ay ku sugan yihiin qoysaska isu deyaaya inay ka baxsadaan colaadda Gaalkacyo.

Agaasimaha, ayaa tilmaamay in xiisadda ku soo korortay Magaalada Gaalkacyo, ay sii murjisay xaaladda nololeyd ee shacabka reer Gaalkacyo. Agaasimaha, ayaa wuxuu Maamulada Galmudug & Puntland ugu baaqay inay joojiyan dagaalka Gaalkacyo, ayna ka shaqeeyan hab lagu xalin karo dhiilada u dhaxeysa.

C/qaadir Axmed, ayaa qaba labada maamul oo xal ka gaara dagaalka Gaalkacyo, in ay suurtagelin doonto in bulshadu ay noloshooda dib u yegleesho. Dadka faraha badan ee ka cararay Magaalada Gaalkacyo, ayaa xaalad adag