Diyaaradihii Qaadka ka keeni jiray Kenya oo Garoonka Aadan Cadde aanan soo caga dhigan..

Diyaaradihii qaadka ka keeni jiray dalka Kenya ayaanan guud ahaan saaka soo caga dhigan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Magaalada Muqdisho, kadib markii Dowladda Somaliya ay go’aan ku joojisay qaadkii Kenya laga keeni jiray.

Subax waliba aroortii waxaa garoonka imaan jirtay Diyaarad weyn oo sida qaad fara badan, qaadkaasi oo loo kala qaybin jiray Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho, balse saaka ma aysan jirin wax diyaarad ah oo Kenya ka yimid oo qaad sida.

Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay shaqada Garoonka inay si wanaagsan ku socota, balse Diyaaradaha Kenya ka imaan jiray ee qaadka la soo dheelman jiray inaysan imaanin.

Go’aanka Dowladda Federalka Somaliya ay ku mamnuucday qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya ayaa saameyn wuxuu ku yeeshay qaar badan oo ka mid ah ganacsatada Magaalada Muqdisho qaadka ku iibiya.

Hooyooyin badan ayaa caruurtooda biilka uga raadin jiray qaadka la keeno Magaalada Muqdisho, balse waxa ay muujinayaan walaaca ku aadan in qaadka joojintiisa ay saameyn weyn ku yeelatay