Dowlada Imaaraatka Carabta oo casuumaad u fidisay qaar kamida madaxda dhamaan maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya.

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa casuumaad u fidisay dhamaan madaxda dhamaan maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya.

Hogaamiyeyaasha illaa shan maamul goboleed ayaaa hadda ku sugan magaalada Dubai, kuwaasoo ka qeyb galaya kulan wada tashi ah oo halkaas ka dhacaya sida wararku sheegayaan.

Madaxweynaha Juballand Axmed Madoobe ayaa maalmahanba ku sugnaa magaalada Dubai, iyadoo madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle ay shalay gaareen halkaasi, waxaana u dambeeyey madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo safarkii labaad todobaad gudihiis galabta ugu ambabaxay magaalada Dubai ka dib markii uu maanta furay kalfadhigii golaha wakiilada Puntland.

Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isna dhowaan booqday Dubai, wuxuuna kulamo aan illaa hadda la shaacin waxa looga hadlay la soo qaatay madaxda dalkaas.

Warar aan la xaqiijin balse isa soo tarayay saacadihii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in raisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid uu beri ku wajahan yahay magaalaada Dubai si uu kulankaas uga qeyb galo.

Si rasmi ah looma shaacin ujeedada ka dambeysa kulanka looga yeeray madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, balse warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in looga hadlayo doorashooyinka Somalia.

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa la sheegay iney dooneyso galangal mug leh iney ku yeelato cida ku soo baxeysa doorashada madaxweynaha ee dhowaan Somalia ka dhacaysa, waxaana taas u suuragelinaya xiriirka fiican ee ay la leedahay maamulada dalka oo ay siiso taageero isugu jirta dhaqaale iyo mid Milateri.