KISMAYO: Khadka taleefanka oo laga jaray guud ahaan deegaanada Jubbaland

Waxaa maanta go’an khadadkii telefoonada degaanada Jubbooyinka oo ay ku jirto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Adeegyadii telefoonada ee labada shirkadood ee Hormuud iyo Nationlink oo degaankaas ka hawlgala ayaa maanta hawada ka maqan taasoo saameyn ku yeelatay shacabka jubooyinka.

Maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in adeegyadani ay go’an yihiin wuxuuna talaabadan ku eedeeyey Al-shabaab iney ka dambeyso.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab ay demiyeen saldhiga dhexe ee laga maamulo isgaarsiinta gobolada Jubooyinka oo ku yaalla degmada Jilib oo kooxdaas ay ku xoogan tahay.
Lama oga illaa hadda sababta ay Al-Shabaab hawada uga saartay isgaarsiinta Jubooyinka hase ahaatee waxaa loo malaynayaa iney talaabadan qaadeen ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dhaqdhaqaaqyo militari ay wadaan ciidamada dawladda Somalia iyo kuwa AMISOM, kuwaasoo doonaya inay la wareegaan degmada Jilib.

Toddobaadkii kore ayey ahayd markii ay Al-shabaab jartay isgaarsiinta degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose wax yar ka hor weerar ay kooxdu magaaladaas ku qaaday.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ka hor inta khadka telefonka ee maantu aanu go’in ay duqeyn ka dhacday degaano ka tirsan Jubbada Dhexe taasoo ay fuliyeen dayuurado dagaal oo aan la garaneynin cida iska leh.