Dowladda federaalka oo shir isugu yeertay Madaxda maamul goboleedyada

Dowladda federaalka oo shir isugu yeertay Madaxda maamul goboleedyada

Madaxweyne Farmajo iyo madaxweynaha JubalandLahaanshaha sawirkaVILLA SOMALIA
Image captionMadaxweyne Farmajo iyo madaxweynaha Jubaland

Iyadoo markale uu shaac baxay isqabqabsi u dhaxeeyo madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya waxa ay ka digayaan in arrintaasi ay dib u dhac ku keeni karto dalka.

Shalay ayey aheyd markii madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ay si wadajir ah u soo saareen war saxaafadeed ay ku dhaliileen dowladda federaalka.

Arrintan ayaa imanaysa todobaad un kaddib markii qarax weyn uu gilgilay magaalada Muqdisho, kaasi oo galaaftay nolosha 358 qof, boqolaal kalana ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka Oktoobar, 2017.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in shirkani looga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah, ayna ugu horreyso sidii musiibadii qaran ee ka dhacday magaalada Muqdisho 14-kii bisha Oktoobar loogu beddali lahaa midnimo Qaran.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in waxyaabah shirkani diirada lagu saari doono ay kamid tahay sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa dastuurka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in shirka looga wadahadli doona habka qeybsiga kheyraadka dalka iyo geeddi socodka doorashada ee sannadka 2020.

Madaxda maamul goboleedyada SoomaaliyaLahaanshaha sawirkaMADAXTOOYADA JUBBALAND
Image captionMadaxda maamul goboleedyada Soomaaliya

Maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa horay u shaaciyay in ay samaysteen gole loogu magacdaray Golaha Dowlada Goboleedyada, kaa oo guddoomiye looga dhigay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, halka ku xigeenkiisa loo doortay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Maamulada kajira Soomaaliya ayaa shirkii Kismaayo waxaa ay cabasho iyo eedeymo ujeediyeen dowladda federaalka, waxaana eedeymahaasi kamid ahaa in aysan ka go’nayn hirgalinta nidaamka federaalka, qabashada doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020-ka iyo waliba in dowlad goboleedyada laga qadiyay deeqihii caalamka.