Britain oo lagu eedeeyay duullaankii Liibiya ee 2011kii

Gudiga arimaha dibadda ee Britain ayaa si daacad ah uga waramay dhalleeceyn ay uu jeediyeen faragalintii uu Militariga ku sameeyay Libya sanadii 2011kii.

Xildhibaanada ayaa sheegay in howlgalkii Britain iyo xoogag kaloo tabacsaan uu ku saleysnaa malo ku saabsaneyd iney halis ku jiraan shacabkii Benghazi.

Dowladda ayaanan ka warqabin in mucaradkii ay difaacayeen ay waheliyeen xoogagg Islami ah.

Xildhibanada ayaa intaasi raaciyay in ula jeedadii ahayd in la badbaadiyo shacabka ay isku badashay in meesha laga saaro maamulkii Golonel Qadaafi iyadoon aanan laga fikirin cidda badeli doonta, siyaasad ahaanna arimahaasi aan si wanaagsan loo lafa gurin.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in Ra’iisul wasarihi hore ee dalkaasi Britain, Devid Camroon, uu masuul ka ahaa istiraatijiadii guul dareysatay ee sababtay in dalkaasi ay ka dillaacdo colaad sokeeye, dhaqaalihii uu hoos u dhaco, iyo inay sare u kacdo dhibaatada tahriibta.

Waxaa kaloo ay sheegeen in waxa yabahaasi oo dhana ay hormud in kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ay ku xoogeysato waqooyiga Liibiya.

Afhayeen uu hadlay xafiiska arrimaha dibadda ee Britain, ayaa sheegay in faragalintaasi ay tageereen Qaramada Midoobay iyo Jmacadda Carabta, waxa uuna intaasi ku daray in halista ka imaneysay Qadaafi ay ahayd mid an indha laga qabsan kari.