FBI-da Mareykanka oo baaritaano ku heysa Email-lada Hillary Clinton

FBI-da Mareykanka ayaa baaritaan labaad ku bilowday email-lada gaarka ahaa ee ay isticmaaleysay Hillary Clinton, xilligii ay aheyd Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Agaasimaha Hey’adda FBI-da James Comey ayaa sheegay inay dib u furayaan baaritaanka kiiska Email-lada Hillary Cinton, isagoo warqad u diray xubnaha Congress-ka ee ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga.

Mr James Comey ayaa sheegay in la helay Email-lo cusub, taas ayaa keentay in baaritaan kale ay bilowdo FBI-da

Hillary Clinton ayaa lagu eedeeyay inay Email gaar ahaa isticmaali jirtay intii ay heysay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa soo dhoweeyay baaritaanka cusub ee FBI-da ku bilowday Email-lada Hillary Clinton.

Baaritaanka cusub ee ay bilowday FBI ayaa la ogeyn saameynta ay ku yeelan doonto ololaha doorashada Musharax Hillary Clinton ee doorashada Madaxweynaha Mareykanka oo dhici doonta 8-da November.