Wasiirka Gaashaandhigga oo shir guddoomiyay shirka Ciidamada birmadka ee geeska Afrika – SAWIRO

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa shir guddoomiyay shirka sanadlaha ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Birmadka Geeska Afrika oo sanadkii hore la aas aasay.

Shirkan oo ka dhacay dalka Burundi ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada difaaca dalalka bariga Afrika, Taliyeyaasha ciidanka iyo saraakiil.

Wasiirka Gaashaandhigga Jen. Diini oo khudbad ka jeediyay shirkan ayaa ka hadlay arrimaha nabadgelyada dalalka bariga afrika iyo sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa.

Jen. Diini ayaa sheegay in dhibaatooyin amni ay ka jiraan dalalka qaar, waxaa uu xusay in kooxaha argagixisada ay qorsheynayaan inay amniga dalalka gobolka ay qal qal geliyaan.

Ciidamada birmadka ee geeska Afrika ayaa xaruntooda tahay dalka Jabuuti, waxaana ciidamadan loogu tala galay inay u gurmadaan dalalka gobolka ee xaaladaha musiibooyinka iyo dhibaatooyinka amni xumo.

gaashaan1 gaashaan2 gaashaan3 gaashaan4