Guddoomiya Degmada 6’aad ee Minneapolis oo shir jaraa’id kuqabtay safaarada Mareekanka ee Wadanka Morocco

Gudoomiyaha Degmada 6’aad ee Minneapolis, Mudane Cabdi Warsame ayaa shir jaraa’id kuqabtay safaarada Mareekanka ee Wadanka Morocco. Gudoomiyahaayaakahadlaykaalintiisikuaa’dan la-dagaalanka Islaam Nacaybka gudaha dalka Mareekanka Islamarkaana kawar bixiyey socdaalkiisa.Socdaalka gudoomiyaha ayaa la xiriira codsiiyo casumaad ay wasaarada arimaha dibadda Maraykanka u fidisay Mr.

Cabdi Warsame. Jaraa’id caan ah too kasoo baxa dalkaasi Morocco too lagu magacaabo Hes Press ayaa warbixin dheer ka qoray socdaalka Mr. Cabdi Warsame, iyagoo cinwaan uga dhigay “siyaasi Maraykan ah oo kubaaqay in lala dagaalamo Islaam nacaybka.” Warbixintaasi ayaa xustay in Cabdi Warsame uu la kulmay mas’uuliyinta Wadanka Morocco, ururada maxaliga ah, arday, iyo diblomaasiyiin Maraykankan ah too kusugan Morocco.

Mudane Cabdi Warsame ayaa sidoo kale ka hadlay ahmiyada ay leedahay la dagaalanka kooxaha xagjirka ah iyo khatarta ay leeyihiin fikradahooda qaldan. “Waxaan la kulmay ururada bulshada wadankaan Morocco, iyo maamulka heer wadan, waxaana icajab galiyay geesinimada, kalsoonida iyo hal-abuurka ay soo bandhigeen ee la xiriira la dagaalanka Argagaxisada,” ayuu yiri Cabdi Warsame. Cabdi Warsame ayaa sidoo kale khudbad ka jeediyey jaamacada Akhwawayn oo kamid ah jaamacadaha ugu waaweyn wadankaa. Khudbada gudoomiyaha ayaa cinwaan waxaa u ahaa, “kaalinta dhalinyarada ee siyaasada dunida ee maanta.”

Halkaan ka aqri warbixin Carabi ah: http://www.hespress.com/orbites/320427.html Horaantii todobaadkaan ayuu booqday gudoomiyaha wadanka Morocco isagoo ergo u ah wasaarada arimaha dibadda ee dalka Maraykanka. Socdaalka uGu kumaray wadankaasi Marooko ayaa waxaa kuweheliyey safiirka Mareekanka u fadhiyo Morocco Mudane Dwight Bush iyo diblomaasiyin kale too Maraykankan ah.