(12/08/2016) Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo sheegtay in cudurka dabaysha oo lagu arkay Nigeria

Dalka Nigeria, cudurka dabaysha ayaa laga helay gobolka Borno, waxaana arrintaasi ay abuurtay walaac laga qabo cudurkaasi qaaradda oo dhan.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegaysa in dowladda Nigeria ay ogaatay labo caruur ah oo uu curyaamiyay cudurkan, gaar ahaanna gobolka Borno.

Gobolkaasi ayaa waxaa saameeyey dagaalka ay waddo kooxda Boko Xaram.

 Wasaaradda caafimaadka ee dalka Nigeria waxa ay sheegtay in ay howlgelisay laanta qaran ee hortagga xaaladaha deg degga, arrintaa oo la doonayo in cudurka dabeesha looga tallaalo halka milyan ee carruurta ah ee ku nool gobolkaasi uu dagaalku aafeeyay.

Ololahaasi ayaa waxa sidoo kale lagu tallaali doonaa afar milyan oo kale oo carruur ah oo ku nool gobolada deriska la ah gobolkaasi.

Wasaaradda ayaa waxa ay shaacisay kiisas cosub oo ah cudurkaasi xilli qaaradda Afrika laga xusayay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay markii ugu dambeysay ee cudurkaasi lagu arkay qaaradda.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in warka ku saabsan kiisaskan cusub ee cudurkan ee lagu arkay Nigeria uu yahay wax laga naxo.

Sidoo kale mashruuca caalamiga ah ee cirib goynta cudurkani dabeysha ayaa ku tilmaamay arrintaa mid niyad jab ah.

Qaaradda Afrika ayaa rajeynaysay in muddo 12 bilood gudahood ah lagu cirib tiro cudurkan oo curyaamiyay carruur tiro badan isla markaana qaar kale ayba u dhinteen.