Faah faahin ka soo baxaya Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Suuqa Beerta ee magaalada Muqdisho.

Waxaa sii kordhaya qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo maanta ka dhacay meel ku dhaw Suuqa Beerta Degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaan ku dhintay sagaal qof oo shacab ah ay ku jiraan haween goobo ganacsi halkaasi ku lahaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxan ku dhawada 20 qof kuwaa oo la dhigay xarumaha caafimaadkaee Muqdisho.

Gaari waxyaabaa qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay agagaarka Xerada Ciidanka Cirka ee Afisiyooni kuna dhaw Suuqa Beerta, waxaana gaarigan qarxay la sheegay in ay celiyeen ciidanka Dowlada oo horey u xiray wadada aada dhinaca KM 4.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiliga qaraxa dhacayay la sheegay in uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka uu qaraxu ka dhacay, waxa uuna Madaxweynaha ka qeyb galayay Munaasabad xariga looga jarayay Dhismaha Kuliyadda Culuumta iyo Tiknoolajiyada ee Jaamacada Umadda.

Qaraxan ka dhacay Suuqa Beerta Waabari gaar ahaan meel ku dhaw Xerada Ciidanka cirka Afisiyooni ayaa qasaaraha ugu badan waxa uu kasoo gaaray dad shacab ah oo halkaasi ku lahaa goobo ganacsi iyo kuwa kale oo marayay hareeraha halka uu qaraxu ka dhacay.