Hay’adda Amnesty International oo ku eedeysay in waddamada qaniga ay ka gaabiyeen masuuliyadda ka saaran qaxootiga.

Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedeysay in waddamada qaniga ay ka gaabiyeen masuuliyadda ka saaran qaxootiga.

Waxay hay’adda sheegtay in dalalka dhaqaalaha haysta ay qaataan qaxootiga ugu yar ayna u qabtaan wax yar.

Toban waddan ayay joogaan in ka badan kala bar 21-da milyan ee qaxootiga adduunka ayay sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty.

Salil Shetty, oo ah xoghayaha guud ee Amnesty, ayaa ku baaqay in waddamada qaniga ay qaataan dad badan.

Mr Shetty ayaa ku sheegay UK inay tahay tusaale xun ee sida loogu guuldaraystay masuuliyada qaxootiga.

UK ayaa aqbashay ilaa 8,000 oo qaxooti reer Suuriya ah tan iyo 2011, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Maraykanka ayaa aqbalay oo kaliya 12,000. Marka la barbardhigo Urdun oo martigelisay ku dhawaad 655,000 qaxooti reer Suuriya.

In ka badan 2.7 milyan oo qaxooti, markii la isku daro, ayaa jooga Urdun, iyadoo haysa qaxootiga ugu badan.

Turkiga ayaa qaatay in ka badan 2.5 milyan, Pakistan 1.6 milyan, Lubnaan in ka badan 1.5 milyan.

“Waddamo yar ayaa faraha looga qaaday arrimaha qaxootiga, sababtoo ah waxay daris la yihiin meesha uu dhibka ka socdo,” ayuu sheegay Mr Shetty.

Wuxuu sheegay “Haddii, tusaale ahaan 60 ilaa 90 waddan ay qeybsadaan masuuliyadda, waxaan ku jiri lahayd xaalad ka duwan midda hadda jirta. Waa dhibaato wayn laakiin waa la xalin karaa.”

Waddamada kale ee ku jira 10-ka waddan ee ugu horeeya ee haya qaxootiga ayaa ah:

  • Iraan (979,400)
  • Itoobiya (736,100)
  • Kenya (553,900)
  • Uganda (477,200)
  • Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Kongo (383,100)
  • Chad (369,500)

UK ayaa leh siyaasad ah in la siiyo gargaar waddamada dariska la ah dalalka ay qaxootiga ka soo jeedaan si ay ugu taageeraan qaxootiga meel u dhow waddankooda.

Laakiin Amnesty ayaa ku dhalleecaysay habkan warbixinteeda, iyadoo sheegtay in waddamada qaniga aysan bixin lacag si dadka loogu hayo meel kale.

Qaxootiga iyo muhaajiriinta ayaa soo maraya jid qatar ah si ay ku gaaraan Yurub. Isniintii Talyaaniga ayaa hogaaminayay hawlgal laga badbaadiyay 2,600 oo qof.