Musharax Sheekh Shariif oo Muqdisho ka bilaabay la kulanka Diblomaasiyiinta Ajnabiga

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Qunsulka dowladda Masar u qaabilsan Soomaaliya Tamer Safwat El-Mahdi oo ka mid ah, iyagoo ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka dhowaan la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan.

Qunsulka Masar ayaa Mr Tamer ayaa ugu horeyn Madaxweynihii hore u gudbiyay hambalyo iyo salaan uu ka sido dowladdiisa, isagoo soo dhoweeyay sidii diirneyd ee loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho khamiistii la soo dhaafay.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah Masar iyo Soomaaliya, waxaana qunsulku uu faahfaahin ka bixiyay sida dowladdiisa ay uga go’an tahay taageerada ay lagarab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Qunsulka ayaa ku amaanay Madaxweynihii hore Shariif Sh Axmed dadaalkii uu ugalay in Soomaaliya ay ka baxdo kumeel gaarkii oo ay hesho dowlad rasmi ah, iyo in 45 sano kadib magaalada muqdisho lagu doortey M/weynaha jamhuuriyadda xilkana loogu wareejiyay si nabad ah, iyo sidoo kale dadaaladii balaarnaa ee dhinaca xoreynta dalka iyo soo celinta ammaanka iyo adeeggii dowladeed ee dalka.

Tamer El-Mahdy qunsulka Masar ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku bogaadiyay M/weyne Shariif afar sano kadib in uu maanta u taagan yahay tartanka Madaxweynaha Soomaaliya oo dhici doona 30ka November ee sanadkan, isaga oo ku booriyay in madaxda soomaalida ay kala shaqeynayaan sidii loo heli lahaa hogaamiye karti leh oo samatabixiya dalka.

Ugu dambeyntii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa qunsulka uga mahad celiyay booqashada uu soo booqdey, wuxuuna u balan qaaday in ay dowladda masar oo ah dal soomaaliya saaxiib fog la ah ay kala shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa iskaashi balaaran oo dhexmara labada shacab iyo labada dowladoodba.