Cumar Cabdirashiid: “Dadku shan hab ayey ku midoobaan, qabiilka ayaa ugu hooseeya” – VIDEO

Raysal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo labadii maalmod ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Qardho ayaa habeenimadii Arbacada kulan lagu soo dhowaynayo laguna taageerayo musharaxnimadiisa lagu qabtay madaxtooyada magaalada Qardho.

Kulankan oo ka dhacay madaxtooyada ayaa waxaa kasoo qaybgalay bulshada qaybaheeda kal gadisan sida odayaal haween, abwaaniin, dhalinyaro, Maamulka gobolka karkaar kan degmada qardho siyaasiyiin kuwaaso dhamaantood taaageersanaa siyaasada xukuumada Raysal wasaaraha iyo qorshaha uu ku doonayo xilka madaxtinimo ee dalka.

Raysalwasaaraha oo gabagabadii kulanka khudbad dheer ka jeediyay ayaa waxa uu uga hadlay arimo ay ugu muhiimsanyihiin doorashada dalka ka dhacaysa isagoona shegay kadib markii uu markale noqday raysal wasaaraha soomaaliya hogaamiyana u noqday xukuumadii laga doonayay inay wadanka ka hergaliso doorashooyin ku dhisan xisbiyo wuxuu sheegay in nidaamkii doorasho ee hal qof hal cod ee lagu balamay 2012 oo goortaan raysal wasaare noqday u muuqatay mid laga gaabiyay anguna nalaga rabay inaan jiho u bixino xukuumada an hogaaminayay waxay ku guulaysatay inay sidii hore laga bedelo oo laga dhigo in xildhibaankii ay doortaan 51 qof dhamaan xildhibaanadana ay doortaan ergo kor u dhaafaysa 14,000. Sidoo kale Raysal wasaaraha ayaa  xusay inaysan suuragal ahayn in dhamaan deegaanada ay ka dhacdo doorashada xildhibaanada taana ay sabab u tahay caqabado ay kamid yihiin xag dhaqaale, amni iyo waliba iyadoo la doonayo inay kor joogta ka noqdaan wufuud caalami ah sidaa daraadeed la go’aamiyay in doorashooyinku ay ka dhacaan caasumadaha maamul goboleedyada.

Raysal wasaaraha ayaa sido kale sheegay inay lagamamaarmaan tahay in haweenka ay helaan qoondada uu dastuurka siiyo beelaha la heybsooco ayaa Cumar C.rashiid waxa uu sheegay in arintaa ay tahay wax aan wanaagsanayn laakin laga bixi doono loogana gudbi doono doorashooyin hal qof iyo hal cod oo looga baahanyah dowlada cusub ee iman doonto inay hergaliso arimahaasi

Cumar C.rashiid ayaa ugu dambayn xusay in dowlada cusub looga baahanyahay hanashada amaanka iyo waliba tayaynta ciidamada Qaranka  kuwaasoo  Ciidamada shisheeye kala wareega sugida amaanka.

Raysal wasaare cumar C.rashiid ayaa subaxnimadii saaka u ambabaxay magaalada Boosaso isagoo socdaal kusii mari doona deegaanada ku teetsan laamiga ee u dhexeeyay Boosaaso iyo

Qardho.

Halkan ka daawo Khudbadii Raysal wasaare Cumar C.rashiid: