Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Qeybta Jubbaland oo kormeer ku tagay deegaano laga xoreeyay Al-shabaab

Taliyaha Ciidamada Xoogga Qeybta Jubbooyinka, Jeneraal Ismaaciil Saxardiid oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaannada Cabdulle Biroole iyo deegaanno kale oo dhawaan laga xorreeyay maleeshiyaadka Shabaab ee dhibaatada ba’an ku haaya shacabka Soomaaliyeed.

Jenaraal Ismaaciil Saxardiid ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha hogaamineysa howlgallada lagu baacsanaayo haraadiga Al-shabaab ee ku sugan deegaanka C/lle Biroole, waxa ayna xuseen in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu cirib tiraayo Al-shabaab iyo nabad diid.

Talayaha ayaa dhankiisa tilmaamay in ciidamada xooga dalka ay ku bogaadinayaan horumarrada ballaaran ee ay ka gaareen ladagaalanka Al-shabaab, waxa uuna shacabka ku dhaqan deegaanada la xoreeyay ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada si looga hortago qatarta kooxda Al-shabaab islamarkaana loo xaqiijiyo amniga iyo kala danbeynta.

Taliyaha ayaa ugu danbeyntii waxa uu hey’adaha gargaarka bixiya iyo dowladda Federaalka ka codsaday in gurmad bani’aadanimo oo deg deg ah la gaarsiiyo dadka ku dhibaateeysan deegaannada uu kormeerka ku tagay, si wax looga qabto xaaladooda bani’aadanimo oo u muuqata mid aad u liidato.

Kormeerka taliyaha iyo saraakiishiisa ayaa ku soo beegmeysa xilli ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay wadaan dadaallo lagu xoreynayo deegaanada fara ku tiriska ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan nabad diidka Al-shabaab ee caadeysta daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.