Tababar la xiriiray Kalluumeysiga oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho

Madaxda Wasaaradda  Klalluumeysiga  ee dowladda Jamhuuriyadda Soomaalia ayaa maanta magaalada Muqdisho ku  soo gabagabeeyay  tababar aqoon kororsi ah oo looga hadflaayey   ururinta macluumaadka la xiriira Kalluumeysiga  iyo sida ugu haboon ee loo hormarin karo xagga  tayeynta qalabka .

Tababarkaan oo muddo laba cisho ah ka socday xarunta Wasaaradda Kaluumeysiga ee magaalada \muqdisho,waxaa mudadii uu socday la qeybgalay shaqaalaha Wasaaradda iyo xubno kale oo ka socday Ururada Iskashatooyinka Kalluumeysiga,iyadoo  halkaasi looga hadlay qaabka ugu haboon ee loo diiwaangelin karo macluumaadka ku saabsan nuucyada kalluun ee la jilaabto maalin kasta iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay tayeynta qalabka lagu xafido qeybaha kala duwan ee kalluunka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga,ahna ku simaha Wasiirka Mudane Siciid Jaamac Maxamed oo  maanta gabagabadii tababarkaasi ka hadlay ayaa u rajeeyay ka qeybgalayaashaa in ay ka faa\ideystaan aqoontii wax ku oolka aheyd ee ay ka barteen dhinaca qeyraadka badda iyo adeegsiga xirfadaha shaqao ee kalluunka.

Agaasimaha Wasaaradda Kalluumeysiga C/risaaq Diiriye Bikolo oo isna ka hadlay xiritaankii tababarkaasi ayaa ka warbixiyay dadaalkii loo soo galay qabashada seminaarkaasi iyo kaalinta uu ka geysan karo horumarka dalka.

dsc00511dsc00523dsc00518dsc00518-1dsc00514dsc00513

 

SHARE

Facebook
Twitter