Faah Faahin: Diyaarado duqeymo ka fuliyay Jubbada Hoose

?????????????????????????????????????????????????????????

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaro ka dhashay Weerar Diyarado Dagaal ay saacadihii ugu dambeeyay ku qaadeen fariisimo Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin Degaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Diyaaradahaan ayaa Duqeymo xoogan la dhacay sida la sheegay fariisimo Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin Tuulada Galow-Shimbir oo ku dhow Degaanka Beerxaani oo qiyaas ahaan 45 Km u jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Weerarkaan ayaa dhaawacyo kala duwan waxuu ka soo gaaray ugu yaraan 3 Ruux oo ka mid ah Shacabka ku dhaqan Tuulada la duqeeyay, sida Dadka Degaanka ay u sheegeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Dadkaan Degaanka ayaa sidoo kale waxey sheegeen in Duqeymaha ay fuliyeen Diyaaradahaasi ay ku basbeeleen dhowr guri iyo Saldhig Al Shabaab ay ku leeyihiin Tuuladaasi ku dhow Degaanka Beerxaani.

Dhinaca kale, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Juba oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afkooda ayaa shaaca ka qaaday in Weerarkii ka dhacay Tuulada Galow-Shimbir lagu Dilay Saraakiil iyo Askar ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, inkastoo aysan cayimin tirada dhabta ah ee halkaasi ku dhimatay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo ay uga jawaabayaan warkan ka soo yeeray Mas’uuliyiinta Maamulka Jubba oo ku aadan in xubno ka tirsan Xarakada lagu Dilay duqeyn ka dhacday Gobolka Jubada Hoose.

Weerar kan la mid ah ayaa maalmo ka hor Diyaarado Dagaal waxey ka fuliyeen inta u dhaxeysa Deegaanada Beerxaani iyo Cabdi-dhoore oo ka wada tirsan Gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo la aaminsan yahay in ay sugan yihiin Xubno ka mid ah Xarakada Al Shabaab.

Sikastaba, labo maalin ka hor ayey aheyd markii Xoogaga Maamulka Jubba oo garabsanaya Ciidamada Dowladda Kenya ay weerar xoogan ku qaadeen Degaanka Beerxaani oo ay ku xoogan yihiin Xarakada Al Shabaab.