US: Diyaarad rakaab oo dab ku qabsaday garoonka O’Hare International Airport, Chicago – SAWIRO

Diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines oo ku sugneyd garoonka diyaaradaha O’Hare Airport ee magaalada Chicago ayaa waxaa qabsaday dab cilli ay dooneysay in ay kacdo.

Diyaaraddan oo siday 161 rakaab ah ayaa nooceeda lagu sheegay American Airlines Flight 383, waxa ayna ka duuleysay garoonka O’Hare iyadoona kusii jeeday magaalada Miami ee gobolkaasi Florida.

Duuliyaha oo islamarkiiba ka warhelay in cilladi ka jirto mid ka mid ah matoorada diyaaradda ayaa hakiyay duulimaadka, waana xilli diyaaraddu aysan hawada si fiican u gelin.

20-ruux ayaa loo qaaday cusbitaalada ka agdhow garoonka kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo xagga naqaska ah maadaama qiiq madow ka dhashay dabka.