Madaxweynaha Puntland oo furay kalfadhiga 38aad ee Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furay kal fadhigi 38aad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, isagoo halkaasi ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay waxyaabaha u qabsoomay.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka jawaabay su’aalo ay qaar ka mid ah baarlamanka Puntland weydiinayeen, kuwaasi oo ay ka midtahay miisaaniyadda, dib udhiska, Colaadda Gaalkacyo iyo arrimo ay ka midyihiin balanqaadyadii uu sameeyay xilligii doorashada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dhanka dhaqaalaha ay si hagaagsan ku bixiyeen, isla markaana wixii su’aal ka qaba, ay la xiriiri karaan, Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland oo uu sheegay inay hayo sida ay ku baxday miisaaniyadda, isagoo ka jawaabay dhamaan su’aalihii ay weydiiyeen Xildhibaannada Puntland.