Muuqaal lagu baahiyay Baraha Bulshada  oo ay soo duubeen qaar ka mid ah dagalyahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa lagu sheegay inay ka warqabaan dhaqdhaqaaqyada millateri ee Imaaraatka Carabta iyo xulafadiisu ay ka wadaan magaalada Berbera.

“Si dhow ayaan ula soconaa dhaqdhaqaaqyada ay xulafada ka wadaan magaalada Berbera taasna waxa ay dhaawacaysaa amniga Somaliland.”ayaa lagu sheegay muuqaalka ay soo duubeen koox ka tirsan Xuutiyiinta,

Muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshada ayaa cabsi ku abuuray shacabka ku nool Hargeisa, maadaama dekada Berbera oo ah isha ugu muhiimsan ee Waqooyi Galbeed ku nooshahay ay 200KM u jirta biyaha Yemen.

 

Xukuumada Somaliland ayaa Imaaraadka Carabta ku wareejisay saldhiga milateri oo ku yaala Berbera bishii April ee sanadkan kaasi oo shacabka ku nool deegaanadaasi kasoo horjeesteen go’aankaasi ay gaadhay xukuumadu.

Xutiyiinta Yemen ayaa waxa ay dagaal xoog leh kula jiraan isbahaysiga uu hogaamiyo Sacudi Carabiya waxayna labo jeer ku weerareen gantaalo caasimada Riyad ee boqortoyada Sacudi Carabiya.