23 qof oo ku dhimatay dab ka kacay warshad ku taala Bangladesh..- SAWIRO

Firefighters stand at the site of a fire at a packaging factory outside Dhaka, Bangladesh, September 10, 2016. REUTERS/Mohammad Ponir Hossain

Ugu yaraan 23 ruux, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, halka 70 kalana ay ku dhaawacantay, markii maanta uu dab wayn ka kacay warshad samaysa baakadaha, iyadoo uu khasaaruhu ka badan karo inta iminka la’ogyahay.

Warshadan, ayaa ku taala Deegaanka Tongi oo qiyaastii 20km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Dhaka ee Xarunta Wadanka Bangladesh.

Saraakiisha Bangladesh, ayaa waxay sheegeen in dabku uu ka dhashay qarax ka dhashay haan, isla-markaana uu ku fiday dhammaanba dhismaha warshadda.

Shaqaalaha gaadiidka dab demiska oo goor dambe gaaray halkaasi, ayaa waxay xaqiijiyeen in dabka la xakamayn kari waayay, intii uu kaga fidaayay dhammaanba dhismahaasi.

Shaqaalahan, ayaa kol dambe ku guuleystay in ay demiyaan dabkaasi, balse waa markii uu cagta mariyay qaybaha uu ka kooban yahay warshadaasi oo samaysa baakadaha alaabta cusub.

147352803165bc2.jpg

1473528032b7b0c.jpg

14735280331e8eb.jpg

1473528035125f6.jpg

147352803684963.jpg

14735280381f0c2.jpg

147352803867475.jpg

1473528040b1961.jpg

147352804102496.jpg

14735280413e6f1.jpg

1473528042d70ae.jpg

1473528043adf94.jpg

147352804473ab0.jpg

1473528045ed841.jpg

1473528046d5c30.jpg

14735280464106b.jpg

1473528047b4f8e.jpg

147352804809f93.jpg

1473528048cbce4.jpg

Comments