(August 17,2016) Dowlada UK oo dacwad ku soo oogtay wadaad xagjir ah oo u dhashay dalkaasi oo lagu magacaabo Anjem Choudary (Video)

Wadaadkan heysta dhalashada Ingiriiska ayaa marar badan lagu eedeeyey inuu kamid yahay xubnaha xagjirka ah ee gudaha UK ka abaabula dhalinta muslimiinta ah ee laga dhaadhiciyo fikir xagjirnimada.

Anjem Choudary oo isagu ay iska fogeeyeen inta badan jaaliyadaha muslimiinta UK ayaa lagu yaqaan banaanbaxyada uu ka dhigi jiray gudaha UK isagoo ku baaqaya in dalka Ingiriiska lagu soo rogo shariicada islaaamka, wuxuuna marar badan Telefishinada dalkaasi ka sheegay inuu taageersan yahay kooxda ISIS, isagoo ku dooday in maamulka ISIS uu yahay Khilaafada rasmiga ah. Wuxuu sidoo kale horey u taageeray kooxda Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Dowlada UK ayaa marar badan horey u xirtay dhalinyaro la sheegay inuu ninkan duufsaday balse wadaadkan ayaa isagu ku doodi jiray in uu fikirkiisa uu xor u yahay. Hase yeeshee xeer illaalinta UK ayaa dacwada lagu soo oogay u adeegsatay in qodobka qeexaya taageerida kooxo argagaxiso ah, walow uusan isagu fal danbiyeed cad geysan.

Sharciga UK ayaa qoraya in ay mamnuuctahay inaad taageero dhaqaale ama mid dhiirigelin siiso kooxaha ay dowladaasi u aqoonsan tahay Argagaxisada, waxaana hadii maxkamada danbigan ku hesho dhici karta in lagu rido xukun xabsi sanado ah.