Turkey: 12,000 Boolis oo Shaqada Laga Joojiyey kadib markii lagu tuhmay inay xidhiidh la leeyihiin Fethullah Gulen

In ka badan 12,000 oo booliis Turkish ah ayaa shaqada laga joojiyey maanta, ayada oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin wadaadka Fethullah Gulen oo lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay ee dalkaas.

In ka abdan 2,500 oo madax booliis ah ayaa ka mid ah 12,801-ka ee shaqada laga ceyriyey, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay mas’uuliyiinta Turkiga.

Shaqo ka joojinta ayaa timid maalmo un kadib markii dowladda Turkiga ay ku dhowaaqday in saddex bilood oo dheeri ah ay ku kordhineyso xaaladda deg deg ah ee dalkaas saaran.

Xaaladda deg degga ah ayaa Turkiga lagu soo rogay waxyar kadib markii uu afgambiga dhicisoobay, si taas ay dowladda Turkiga ugu ogolaato inay gacan bir ah ku qabato dadka la tuhunsan yahay.

Wixii markaa ka dambeeyey, qiyaasti 100,000 oo milatari, booliis, garsoorayaal iyo shaqaalaha waxbarashada ah ayaa shaqada laga ceyriyey. Waxaa sidoo kale la xiray in ka badan 30,000.