Meydka wariye C/Casiis Maxamed Xaaji oo maanta Muqdisho lagu aasay – SAWIRO

Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay wariye C/Casiis Maxamed Cali Xaaji oo shalay gelinkii dambe lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Wariyaha oo kamid ahaa shaqaalaha Idaacadda Shabeele ayaa la dilay xili uu ku sugnaa degmada Yaaqshiid, waxaana maanta lagu aasay Qabuuraha Iskuul Baluuziyo ee magaalada Muqdisho.

Ehelka wariyaha iyo wariyaal badan oo ka shaqeeyan warbaahinta ayaa aaska ka qeyb galay, waxayna alle uga baryeen inuu naxariisto janno alle ka waraabiyo.

Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay dilka wariyaha, waxaana laamaha amaanka ay ka dalbadeen iney cadaalada horkeenaan dadkii dilka ka dambeeyay.

1-8 2-5 3-6 4-9 8-2 9-1