Uhuru Kenyatta oo ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya in laga qaado xayiraada ganacsiga Qaadka ee dalkiisa

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya arrimaha xayiraada ganacsiga qaadka ee ay ku soo rogtay dowlada Soomaaliya qaadka ka iman jirey dalka Kenya.

Afhayeenka dowlada Kenya Eric Kiraithe ayaa sheegay in Madaxweyne Kenyatta uu si shaqsiyan ah ula xiriiray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uuna ka codsaday in laga qaado xayiraado ganacsiga qaadka ee dalka Kenya.

“Madaxweyne Uhuru waxa uu u sheegay dhigiisa sida ay saameynta ugu yeelatay mamnuucida qaadka beeralayda Kenya.”ayuu yiri Kiraithe.

Afhayeenka ayaa intaa ku sii daray in Wasaarada Arrimaha Dibada dowlada Kenya ay wafdi arrimahan kala hadla dowlada Soomaaliya u dirayso dhowaan Soomaaliya.

Balse afhayeenka dowlada Kenya ayaa sheegay in eeda joojinta qaadka uusan lahayn guddoomiyaha gobolka Meru Peter Munya kaasoo safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya uu ku eedeeyay in booqasho uu ku tegey Hargeysa ay dowlada Soomaaliya cadaadis xoog leh kala kulantay kuna qasabtay in gebi ahaanba joojiso ganacsiga qaadka.

“Barasaabada kuma laha wax saameyn ah arrimaha ganacsiga caalamiga ah ee dowlada Kenya la leedahay wadamada kale,”ayuu sii raaciyay afhayeenka dowlada Kenya. Hase yeeshee afhayeenka ayaa intaa ku daray in xayiraada ay ka timid dowlada Soomaaliya rabitaankeeda.

Inkastoo uu afhayeenka dowlada Kenya sheegay in Madaxweynaha Kenya kala hadlay dhigiisa Soomaaliya arrimaha ganacsiga qaadka ayaan jirin wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya ee la xiriira sida ay ka yeelayso ganacsiga qaadka.

Wadamada Ingiriiska iyo Netherland oo Soomaali badan ay ku nooshahay ayaa hore loogaga mamnuucay qaadka kadib markii ay dowladahaa ku tilmaameen inuu yahay daroogao heerka saddexaad ah.
Inkastoo ay dowlada Soomaaliya si kumeel gaar ah u mamnuucday keenista qaadka ayaa hase ahaatee waxaa qaadka si toos ah loogaga keenay dalka Kenya maalmihi la soo dhaafay marka laga reebo magaalada Muqdisho oo qaadka ugu badan la keeni jirey.